27.4 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

FIQI oo si yaab leh u difaacay qorshaha doorasho ee madaxweyne Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Maalim Fiqi ayaa si weyn u difaacay hanaanka doorasho ee uu ku dhagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ay tahay xalka Soomaaliya, isagoo si adag u dhaleeceeyay doorashooyinka dadban, oo uu ku tilmaamay in ay yihiin nooc “addoonsi”.

“Haddii addoonsi uu jiro qarnigan 21-aad, waxaa lagu arkaa cadaalad-darrada doorashooyinka dadban, Waxaad ku dhowdahay in aad naftaada u hoos dhigto ama aad noqoto addoon,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalkan ayaa muujinaya sida dowladda Xasan Sheekh ay weli ugu dhagan tahay doorasho qof iyo cod, xilli ay weli taagan tahay doodda la xiriirta habka doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, Wasiir Fiqi ayaa ka jawaabay hadallada siyaasiyiin mucaarad ah oo ku doodaya in “Muqdisho aysan nabad ahayn”, isaga oo ku tilmaamay aragtidaas mid aan loo meel dayin.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadallada noocaas ah ay mucaaradka iskaga indha-tirayaan horumarka dhanka amniga ee laga gaaray caasimadda.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG oo dhawaan ka hadlay xaaladda guud ee Muqdisho ayaa nasiib darro ku tilmaamay in la dhaho amni baa ka jira caasimada, taas oo dhalisay dood culus, maadaama haatan Muqdisho laga dareemayo xasilooni weyn oo dhinaca ammaanka ah.

“In la yiraahdo magaalada waa amni doorasho xor ah oo xalaal ah ayaa ka jirta aniga waxaan u arkaa nasiib daro aad u weyn iyo wakhti la beel-dareynaayo iyo lacag lagu ciyaaraayo,” ayuu Shariif ku yiri wareysi uu maalmo kahor siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli aan weli heshiis laga gaarin hanaanka doorashooyinka dalka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Dowladda ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti-lumis ah oo looga gol-leeyahay in lagu xaqiiqsado muddo-kororsi. Hase yeeshee, Villa Somalia way beenisay eedeymahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News