27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xogta dagaal culus oo ka socda gobolka SANAAG

Bookmark
Bookmarked

Share

Ceel Afweyn (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal beeleed xooggan uu saaka ka qarxay deegaanka Dararweyne oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday aroornimadii hore ee saaka, uuna u dhaxeeyo laba beelood oo kal hore ku dagaallamay deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa la sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli faah-faahin sugan laga helin, maadaama uu socdo dagaalka.

Colaadda beelahan ayaa sannadihii u dambeeyay ku soo noq-noqotay deegaanada dhaca galbeedka gobolka Sanaag, gaar ahaanna Ceel Afweyn iyo Dararweyne.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland oo ku aadan dagaalka kasoo cusboonaaday dhulkaasi.

Sanaag oo marar badan kusoo laa-laabteen dagaal beeleedyada, ayaa waxay saameynta ugu badan ku yeeshaan dadka shacabka, waxayna inta badan salka ku hayaan aano qabiil.

Si kastaba, Dagaalkan ayaa kusoo aadaya, xilli ay haatan Somaliland ku jirto wax u muuqda diyaar garow dagaal oo horleh, si ay mar kale u wajahdo ciidamada SSC oo bilihii u dambeeyay ka qabsaday dhul aad u ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News