SSC-KHAATUMO oo laga reebay tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo tartanka kubadda cagta gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ee 2023-ka.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka K/Cagta in tartanka uu si rasmi ah u bilaaban doono 29-ka bishaan December, oo ku beegan maalin Jimce ah.

Tartanka kubadda cagta gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada dalka ayaa waxaa lagu ciyaari doona magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay in la kordhiyay tirada kooxaha rasmiga ah ee tartanka ka qeyb-galeysa, kuwaasi oo markii hore ahayd 22 ciyaartooy, halka sanadkan laga dhigay 25 ciyaartooy.

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya kooxaha Gobolka Banaadir, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland. Waxaa laga reebay SSC-Khaatumo, halka ay si iskeed ah uga hartay Puntland.

Hoos ka aqriso, qoddobada kasoo baxay wasaaradda dhalinyarada & ciyaaraha XFS iyo masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

  1. In Diiwaan-gelinta ciyaartoyda ay furanto Sabti, 16-ka December, ayna xiranto Khamiis, 21-ka December 2023.
  2. In tartanka cayaaraha dowlad-goboleedka iyo gobolka Banaadir uu si rasmi ah u furmo Jimco, 29-ka December 2023-ka.
  3. In tirada ciyaartoyda xul walba laga dhigay 25 halka ay hore aheyd 22 ciyaartooy.
  4. In si wada-jir ah looga wada shaqeeyo qabsoomidda iyo dardar-gelinta tartanka.
  5. Ugu dambeyn, Wasaaradda iyo Xiriirka waxay si wada-jir ah uga raali-gelinayaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bahda ciyaaraha in tartanka uusan ku qabsoomin waqtiyadii hore loo shaaciyay sababo farsamo oo laga baaqsan waayay awgeed.