Daawo: Muxuu JENERAAL SHUB ka yiri hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka hadlay guulaha uu Xasan Sheekh gaarsiiyey dalka, isagoo taageeray hal kudhigiisa “Qabyo ninkeedaa dhameystira.”

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu ka dhabeeyey balantii uu ka qaaday dadka Soomaaliyeed, isagoo balan-qaaday inay ku taageerayaan Madaxweynaha xaqiijinta inta ka hartay guulaha uu ku hoggaminayo dalka.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu soo bilaabay barnaamijyada deyn cafinta iyo cunaqabateyntii hubka ee mudada dheer saaraa Soomaaliya, isagoo yiri, “Waxaa rumowday halmadii Madaxweynaha ee qabyo ninkeeda ayaa dhameystira.”

Wuxuu soo hadal qaaday mucaaradka, isagoo sheegay in xiligaan aysan macquul aheyn in la mucaarado Xasan Sheekh, maadaama markii hore la aqbalay qodobo muhiim u ahaa dalkaan, kuwaas oo inuu ka shaqeynayo uu balan-qaaday, kadibna ka dhabeeyey.

Sidoo kale Jeneraal Shub ayaa soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in sababta looga adkaa waayey kooxdaas ay tahay, cunaqabateyntii hubka ee saareed Soomaaliya.

“Cunaqabateyntu waxay Al-Shabaab iyo ciidamada qaranka ka dhigtay kuwo isku awood ah, maadaama ay wataan hub isku nooc ah, hadda waxaan heli doonaa qoryo waaweyn iyo taangiyo, markaan ayaa laga adkaa doonaa cadowga,” ayuu yiri.

“Taageerada Madaxweynaha ma jooji doono, hadii uu qorigii weynaa uu noo keenay oo cunaqabateyntii 30-ka sano na saareed uu naga qaaday, hadii deymihii ilaa 60-kii nalo heystay nalo dhaafay, khudbadiisii shalay waa dhageysanay hal saac ka badan ayuu arrimaha Soomaaliya ka hadlaayey, waa in loo hambalyeeyo madaxweynaha,” ayuu yiri Jeneraal Shub.

Taliyaha Asluubta Soomaaliya ayaa si qota dheer uga hadlay dhameystirka dastuurka oo ka mid ah qodobadii uu madaxweynuhu balan-qaaday, wuxuu sheegay in xubno aan ujeedadooda la garaneyn ay hortaagan yihiin qabyo tirka dastuurka.

Hoos ka daawo