Xamza oo shaaciyay 7 arrin weyn oo Soomaaliya uga dhigan tahay dayn-cafinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay guusha taariikhiga ah ee deyn cafinta, taasi oo habeen hore si rasmi ah looga cafiyay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in deyn cafinta ay dowladsa Soomaaliya iyo shacabkeeda uga dhigan tahay horumar dhaqaale iyo isku filnaansho amni.

“Deyn cafintu waxay dalkeena iyo dadkeena uga dhigan tahay in ruux walba oo Soomaali ah laga cafiyay lacag ka badan $300,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in deyn cafinta ay Soomaaliya ka dhaxlayso in dalkeena iyo dadkeeda la aamino, islamarkaana ay hesho maalgashi caalami ah, maadaama ay Soomaaliya ka vaxday liiska waddamada qaamaysan.

“Xasilooni siyaasadeed iyo adeeg bulsho oo horumarsan ayay uga dhigan tahay dalkeena iyo dadkeena deyn cafinta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu u dhaqaaqay sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabadihii ku hor-gudbanaa dowlad-dhiska iyo madax-bannaanida.

Hoos ka aqriso toddobada arrin, iyaga oo qoddobeysan;

  1. $4.5 Bilyan ayaa la’inaga cafiyay macnaheedu waa in ruux walba oo Soomaali ah laga cafiyay lacag ka badan $300
  2. Dalkeena iyo dadkeena oo la aamino
  3. Soo jiidasho maalgashadayaal caalami ah
  4. In aan ka baxnay liiska waddamada qaameysan
  5. Xasilooni siyaasadeed
  6. Horumar dhaqaale iyo isku filnaansho amni
  7. Adeeg bulsho oo horumarsan.