Aqriso: DF oo soo saartay bayaan 34 qodob ah iyo arrimo xasaasiya oo looga hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 34 qoddob, kaasi oo looga hadla deyn-cafinta, qaadista cuna-qabateynta iyo howl-gallada ka socda dalka.

War-saxaafadeedkan oo ah midka ay dowladda ku faah-faahiso waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah, ayaa sidoo kale markaan lagu soo qaatay shirkii Amniga Soomaaliya ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

“Baanka adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daymihii lagu lahaa oo gaarayay 4.5 bilyan oo doolar, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Sidoo kale waxa lagu yiri “Al-Shabaab ayaa isaga carartey goobo ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaalla Koonfurta gobolka Mudug.”

Hoos ka aqriso qoddobada bayaanka;

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Baanka Adduunka iyo IMF ee deyn cafinta Soomaaliya, isla markaana hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

2- Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo loogu dabaal dagayay guusha deynta Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga ah.

3- Baanka adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey daymihii lagu lahaa oo gaarayay 4.5 bilyan oo doolar, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad wayn oo ay kula falgasho caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka, isla markaana uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hoyay barnaamijka deyn cafinta.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Ku-Simaha Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Marwo Victoria Nuland, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ku guddoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari oo ka socday dalka Turkiga.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Talyaaniga ee u fadhin doona Soomaaliya, Pier Mario Daccò Coppi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo La- Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow u magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dib u Heshiisiinta.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti uga qeyb-galay Shir Madaxeedka 41-aad aan caadiga ahayn ee Urur-Goboleedka IGAD.

12- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaarey hanaanka doorashada Dowlad Goboleedka Puntland.

13- Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayey go’aankii Golaha Ammaanka uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

14- Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi cabdillaahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka wadajirka ah ee labada aqal oo ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda 2024.

15- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

16- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern oo ay ka wada hadleen xiriirka, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso Soomaaliya.

17- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha Ammaanka uga qaaday Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

18- Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

19- Urur Goboleedka IGAD ayaa Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

20- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa sheegay magacaabista Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD ku tilmaamey guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

21- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Ethiopia Mudane Abraham Belay ayaa kala saxiixday dib u cusbooneysiinta heshiis is afgarad oo dhanka iskaashiga milateriga.

22- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi oo ay ka wadahadleen xoojinta iskaashiga labada dal.

23- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Aqalka Sare ka hor akhriyay hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magangalyo Doonka ee 2023, akhrintiisa 1-aad.

24- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa qaabilay ku ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka hawlgaleysay dalka uu soo dhammaadey.

25- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Dooxa kaga qeybgaley Shirka 26aad ee Wasiirrada Dalxiiska Jaamacadda Carabta.

26- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Manama ee Boqortooyada Baxreyn kaga qeyb galay kulan weynaha 15aad ee u dhaxeeya wadamada Carabta iyo Jarmalka kaasoo looga arinsanayo arrimaha Caafimaadka.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Dooxa ee Qatar kula kulmay Duqa Magaalada Dooxa Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin waxaana ay ka wada hadleen dib u cosbooneysiinta heshiiska mataanayna Muqdisho iyo Dooxa.

28- In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal milateri oo ciidanka degaanka ka fuliyeen Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

29- Khawaarijta Alshabaab ayaa isaga carartey goobo ay ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug.

30- Wabiga Shabeelle ee ku fatahay Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa xaalad go’doon ah geliyay degmada.

31- Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar ku saabsan hubinta ilaha rasmiga ah ee laga helo wararka, mabaadii’da anshaxa iyo badqabka suxufiyiinta u furay 36 suxufi oo ka howlgala warbaahinta qaranka iyo warbaahinta madaxa banaan.

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Mudane Axmed Xuseen.

33- Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan ka hergelisay mashruuc waxbarasho oo lagu magac daray Bar ama Baro, halkaas oo ka mid ah goobaha laga xoreeyey Khawaarijta.

34- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri oo ka dhan ah Al Shabab ka fuliyay deegaannada kala ah Farag ,Huuyaley , Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor, iyo Ceelgaras oo hoostaga Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.