Xogta ‘dhameystirka dastuurka dalka’ iyo kulamo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalada dhameystirka dastuurka dalka, ayada oo guddoonka guddiyada dib u eegista dastuurka uu kulamo ka wado magaalada Muqdisho.

Guddoonka Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddoonka guddiga la socodka dastuurka ayaa maanta kulan xasaasi ah Muqdisho kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada New York.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Doorashooyinka iyo dhismaha Nabadda ee QM Mudane Gerge G. Kubwimana, Marwo Mikyong Kim, oo ah Xafiiska Siyaasadda Doorashooyinka, La-Taliye Sare ee gobolka ee arrimaha Doorashooyinka iyo horumarinta Dowlad-wanaaga ee UNDP Mudane Luis Martinez betanzos iyo Mudane Walter Lotze oo ah Madaxa Bariga Afrika ee Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda ee QM.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay hanaanka geedi socodka dib u eegista dastuurka KMG ah, doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta qaabka ay noqoneyso iyo sida ay QM kaalin uga geeysan lahaayeen dib u eegista dastuurka KMG ee JFS.

Madaxda QM ee kulankaan ka qeyb-galay ayaa waxay ballan-qaadeen in hay’adaha dib u eegista dastuurka ay kala shaqeyn doonaan sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si dalka ay uga dhacdo doorasho ka duwan doorashooyinki horay igu dhacay dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horraantii bishaan caasimadda ku qabatay banbax howleed lagu dardar-gelinayo dhameystirka dastuurka, kaasi oo u dhaxeeya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka, Wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, guddiga madaxa-banaan ee Ddastuurka iyo guddiga Ddastuurka BFS.

Kulamadan ayaa xilligaan u muuqda inay marayaan heer gebo-gebo ah, ayada oo dhinacyadan ay sheegeen in dastuurka intiisa badan uu diyaar u yahay farsamo ahaan, islamarkaana uu wejigii u dambeeyay ee saddexaad uu marayo, kaasi oo loo sii amba-qaadayo dhameystirka dastuurka dalka oo muddo badan qabyo ahaa loona dhameystiri lahaa.

Si kastaba, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa hore shan kulan oo ay yeesheen ayaa waxaa heshiis looga gaaray qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, federaaleynta garsoorka, qaab-dhismeedka amniga qaranka iyo federaaleynta maaliyadda.