MADAALE oo awaamiir culus dul dhigay maamullada degmooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro cusub dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banadir, kadib kulan ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Madaale oo guddoominayey shirka todobaadlaha ee degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir ayaa waxa uu faray mas’uuliyiinta kulankan kasoo qeyb-gashay xoojinta wada-shaqeynta laamaha ammaanka, la-dagaalanka maandooriyaha iyo in la gar-gaaro bulshada kuwooda nugul ee caasimadda.

Kulanka ayaa waxa kale oo looga hadlay dar-dar gelinta barnaamijka dariseynta caasimadda, sare u qaadida dakhliga dowladda hoose ee Xamar, amniga bilic soo celinta caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta Guddiga Khilaafaadka iyo Maamulka Dhulka ee Dowladda Hoose Xamar oo shirkan goob joog ka ahaa.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud, waxaana lagu bogaadiyay isbadalka dhinaca amniga ee ka jira Muqdisho.

Dhinacyada ayaa waxay shirkaan iskula qaateen dar-dargelinta Barnaamijka Dariseynta Caasimadda oo wax weyn ka taraya Amniga iyo ka war-qabka Bulshada.

Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay qorshaha ugu haboon ee degmooyinka Muqdisho looga hirgalin karo barnaamijka diriseenta, iyo muhiimada ay Xasiloonida Iyo horumarka caasimadda u lee dahay hirgalinta diriseenta.

Si kastaba, Muddooyinkii dambe waxaa soo hagaagaya amniga magaalada Muqdisho, oo markii hore ay qaraxyada iyo falalka amni darro ay uga dhici jireen si aan kala joogsi laheyn, iyada oo maamulka gobolka oo qeyb ka yahay qorshaha amni ee caasimadda.