26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Doon ka baxday dekedda Kismaayo oo maanta gubatay

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Doon ganacsi oo lagu magacaabo “Fazle Rabbi” (M.S.V. 2192), kana diiwaangashan dalka Hindiya, ayaa ku gubatay xeebaha Soomaaliya.

Doontan ayaa gubatay kadib markii dab xooggan uu si lama filaan ah uga kacay qaybta matoorka, taas oo sababtay in markabku gabi ahaanba bas beelo.

Doontan ayaa ka timid dekedda Kismaayo iyadoo ku sii jeeday magaalada Dubai, hase yeeshee dabka ayaa qarxay xilli ay ku jirtay meel ku dhow 8 mayl badeed oo ka baxsan xeebta Kismaayo.

Kaptanka iyo shaqaalaha ayaa isku dayay inay damiyaan dabka, balse xaaladdu si degdeg ah ayay uga adkaatay. Ugu dambeyntii, 16-kii shaqaale ee saarnaa markabka ayaa ku booday badda, iyagoo xiran jaakadaha badbaadada, si ay naftooda u ilaashadaan.

Markab kale oo isla shirkaddu leedahay oo lagu magacaabo “Al Fazl” (M.N.V. 2031) ayaa si dhaqso ah u soo gaaray goobta, wuxuuna ka qeyb qaatay samatabixinta shaqaalaha. Dhammaan 16-kii shaqaale ayaa la badbaadiyay, iyagoo caafimaadkoodu uu wanaagsan yahay.

Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in cilad farsamo oo ka dhalatay mishiinka doonta ay sababtay dabka.

Milkiilayaasha markabka ayaa la xiriiray mas’uuliyiinta badda ee Soomaaliya iyo Dubai si baaritaan buuxa loogu sameeyo dhacdadan.

Marar badan ayaa dhacdooyin tan lamid ah ka dhaceen xeebaha Soomaaliya, iyadoo horay ugu gubteen doonyo iyo maraakiib ganacsi oo siday alaabo kala duwan.

- Advertisement -

Read more

Local News