Sawirro: Doorasho maanta ka dhacday Villa Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga saaxiibtinimada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Majlis Shuurada Qatar ayaa maanta doorasho ku qabsaday xarunta Villa Hargeysa.

Xubnaha guddiga ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Soomaaliya, waxayna doorashada ku dhacday hab gacan taag ah.

Waxaa guddoomiye loo doortay Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortaySenator Axmed Maxamed Saciid (Irbad). Sidoo kale xubnaha guddiga xoghaye u doortay Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi.

Xubnaha la doortay ayaa ballan-qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan iyo shacabka walaalaha ah ee Labada dal.

Guddigan ayaa waxaa 24-kii bishii hore si wada-jir ah u magacaabay guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi.

Magacaabida guddigan ayaa waxa uu guddoonka labada Aqal u cuskaday qodobka 14(6) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka iyo qodobka 7(7) ee Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo dhigaya in Guddoomiye Gole kasta uu mas’uuliyadda saaran ay kamid tahay xiriirinta Baarlamaanka Adduunka.

Qatar ayaa kamid ah dowladaha carbeed ee taageera Soomaaliya, waxaana lagu xasuustaa in mar ay aheyd dowladaha ugu dhow Soomaaliya sanadihii uu hoggaamiyey Farmaajo.

Sidoo kale xukuumadda Dooxa ayaa taageero u fidisa ciidanka Soomaaliya oo haatan sameynaya dib u kabasho, kadib tababaro caalami ah oo ay heleen, xilli uu dalk ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.