30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xogta duqeymo culus oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgallo duqeyn ah oo Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo iyo deegaanno ka tirsan gobollada dalka.

Howl-galladan ayaa laga fuliyay deegaannada Tardo ee gobolka Hiiraan, Ugunji oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, Daynuunaay ee gobolka Baay, iyo Qumbi oo ka tirsan Jubbada Hoose, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

Howl-galladan oo isugu jiray lix duqeyn oo kala duwan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay waday dhaq-dhaqaaqyo sii kordhaya.

Sidoo kale, warbixinta ayaa xustay in goobaha la beegsaday ay ahaayeen xarumo iyo gabaadyo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay isku ururinta iyo abaabulka weerarrada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ka hor fulinta duqeymahan la sameeyay kormeer iyo dabagal joogto ah, si loo xaqiijiyo xogta la xiriirta dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka ku sugnaa deegaannada la duqeeyay.

Duqeymahan ayaa la sheegay in ay sababeen dhimashada ugu yaraan 54 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, waxaa la burburiyay keyd sahay iyo agab ay kooxdaasi u adeegsan jirtay howl-galladeeda, taas oo si weyn u wiiqday awooddooda dhinacyada sahayda, isku socodka iyo abaabulka weerarrada.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay in howl-galladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo laguna burburinayo awoodda Khawaarijta, si looga hortago weerarro ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News