25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday xadka Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo xalay diyaaradaha dagaalka saaxibada caalamiga ah ay nka fuliyeen xaduuda gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa lasoo wariyay inay si gaar ah uga dhacday aagga deegaanka Hareera Culusow oo xilligan ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in duqeyntan lagu garaacay saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal sar sare.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale laga soo xigtay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, balse ma shaacin tirada rasmiga ah ee la khaarijiyay.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku daren in cagta la mariyay xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd hakaasi, kana soo maleegeysay weeraro qorsheysan oo laga hortegay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqa laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe oo muddooyinkan ay ka socdeen howlgallo lagu cuuryaaminayo kooxaha argagixisada ee ku sugan labadaas gobol.

Waxaa kale oo dhaq-dhaqaaqyo kuwaan lamid ah ay ka socdaan gobolka Hiiraan oo iyana ay soo galeen Al-Shabaab badan, kadib markii ay qabsadeen degmooyin muhiim ah oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana kamid ah Maxaas iyo Moqokori oo ay weli gacanta ku hayaan.

Si kastaba, koonfuta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socda dagaallo xooggan oo ay iska kaashaanayaan ciidamada dowladda iyo shacab hubeysan oo la baxay Macawiisley, dagaalkaas oo ka dhan ah kooxda Shabaab, laguna xoreeyay dhul ballaaran.

- Advertisement -

Read more

Local News