27.9 C
Mogadishu
Thursday, August 14, 2025

Xogta duqeyn culus oo lagu beegsaday guri madax Al-Shabaab ah ay ku shirayeen

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ciidamada cirka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, isla markaana lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu garaacay guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad iyo horjoogayaashooda lagu laayay duqeyntan, kadib markii ciidamada Xoogga ay ka war heleen shirka u socday xubnaha Al-Shabaab, kadibna waxa ay ku dhufteen dhowr gantaal oo lala helay goobta uu shirka ka socday.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in sido kale weerarkan cirka ah lagu dilay horjoogayaal caan ka ahaa gobolka, uuna kamid ahaa sarkaal sare oo magaciisa lagu soo koobay Wadaad Yare.

Horjoogayaasha la duqeeyay ayaa dhowaan uun tegay Tardo, halkaas oo ay ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan dadka deegaanka, si ay cadaadis u saaraan shacabka ku dhaqan deegaankaasi, waxaana xogta dhaqdhqaaqooda helay ciidanka oo kadib duqeeyay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalka guuleystay ee ay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka.

Duqeynta waxaa ka horreeyay howlgal kale oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaanka, kuwaas oo la laayay, waxaana sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyey gaadiid dagaal oo ay wateen Al-Shabaab, kaas oo qaar ay qaraxyo ku soo rareen.

Tardo ayaa kamid ah deegaannadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen argagixisada, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirika deegaanka ee loo yaqaanno Macawiisleyda, kuwaas oo qayb ka ah halganka xoreynta ee ka socda dalka.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ay waddo dowladda, waxaana u jeedka uu yahay in dib loo xoreeyo deegaannadii ugu dambeeyay ee ay qabsadeen Al-Shabaab oo ay ugu horreeyaan degmooyinka Maxaas & Moqokori oo ay gacanta ku hayso kooxda.

- Advertisement -

Read more

Local News