Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka Bari, gaar ahaan aagga buuraha Calmiskaad, iyagada oo lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaasi.
Duqeynta ayaa si gaar ag uga dhacay Ceelka Maraagaale ee togga Baallade, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku go’doonsan deegaankaasi, kadib markii ay hareereeyeen ciidamada difaaca Puntland ee weli howlgalada ka wada aagga Calmiskaad.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lagu dilay xubno ka mid ah Daacish iyo horjoogayaashooda, balse ma shaacin tirada rasmiga ah.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan sii socda howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari
Dhanka kale, ciidanka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyeen deegaannada Yucrinta iyo Goble oo ka tirsan Togga Baallade, halkaas oo maalin kahor ay kala wareegeen maleeshiyadka sii firxanaya ee kooxda Daacish.
“Ciidankeenna geesiyaasha ah waxay hawlgalo ka sameeyeen deegaannada Yucrinta iyo Goble oo ka tirsan Togga Baallade, Ciidanka ayaa si awood ah ula wareegay deegannadan iyagoo ku dilay firxadka Argagixisada Daacish. Ceelasha iyo toggaga ay hadda la wareegayaan Ciidanku ayaa ah meelaha Yar ee ugu danbeeya ee firxadka Argagixisada Daacish ay ku dhuumanayaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay howlgalka Calmiskaad.
Si kastaba Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka ka wada halkaas.
Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.