Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku taalla deegaankaasi oo ay howlgallo culus ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.
Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, balse ma shaacin tirada rasmiga ah.
Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqleen jugta madaafiicda iyo duqeymaha lagu garaacay aaga deegaanka Hilowle Gaab.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.
Khamiistii ayey aheyd markii sidaan oo kale duqeyn lagu beegsaday Al-Shabaab looga fuliyay gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanno dhaca jinka wabiga Shabelle.
Si kastaba, HirShabelle ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan dagaallada ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo khasaare badan lagu gaarsiiyay Shabaab.