28.6 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Xogta gaadiid maanta laga gubay kooxda Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka dhacday aagga deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolkaasi.

Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa lasoo wariyay in lagu garaacay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana jira khasaare culus.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Sheekh Abuukar Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan lagu naafeeyay Khawaarijta, isla markaana looga dilay xubno badan oo ka tirsanaa xubnaha kooxda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab laga gubay illaa saddex baabuur oo uu ku jiro gaari Cabdi Bile ah, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed inaan ugu bishaareyno saddex gaari oo uu ku jiro gaari Cabdi Bile ah oo uu Dhashiike ku xiran yahay in lagu duqeeyay degmada Masaajid Cali Gaduud, halkaasna looga dilay dhagar qabayaal aad u badan” ayuu yiri.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in la xoreeyay degmada Ruun-nirgood iyo deegaannada Guulane iyo Aboorey oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa Masaajid Cali Gaduud iyo deegaannada u dhow ee Shabeellaha Dhexe.

Waxaa kale oo duqeymahan barbar socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo kusii siqaya deegaanno horleh.

Howlgalladan ayaa waxaa looga hortagaa weerarada gaadmo ah ee ay Al-Shabaab subaxnimada ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda, kuwaas oo soo laa laabtay

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News