25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xogta hoobiyeyaal maanta lagu garaacay Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo ay xalay Al-Shabaab ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamul Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoobiyeyaasha oo soo dhacay xilli habeenimo ah ayaa qaarkood waxa ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray rayid aan waxba galabsan, kadib markii ay madaafiicda ugu tageen guryahooda.

Dadka ay waxyeellada soo gaaryay waxaa kamid ah hooyo iyo carruuteeda oo noqday dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale, waxaa burbur xooggan uu soo gaaray guryo ku yaalla magaalada oo shacab ay daganaayeen, waxaana haatan socda baaris ay wadaan laamaha amniga Baydhaba.

Shacabka ayaa sidoo kale saaka isugu soo baxay goobaha la duqeeyay, iyaga oo isku gurmaday, waxaana muuqaallo la helay ay muujinayaan saameynta hoobiyeyaasha lagu garaacay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarka hoobiyeyaasha ee xalay ka dhacay magaalada Baydhaba.

Weerarkan ayaa daba socda dagaal culus oo lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhowaan ka dhacay deegaanka Burjeed oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay xubno badan oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la laayay ayaa xilligaas la geeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.

Kadib dhacdadaasi, waxaa xaalad kacsanaan laga dareemay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarineyso qaadista guluf oo ka dhan ah argagixisada si la’isugu furo, go’doonkana looga qaado deegaannada maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News