25.4 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Mareykanka iyo Puntland oo ka dhacay Bari

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo si wadajir u fuliyeen Jimcihii ciidamada Puntand iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Daacish.

Howlgalka oo ahaa cir iyo dhul ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish oo ku aadan deegaanka Cadayle ee togga Baallade, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka difaaca ee maamulka Puntland.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 15 xubnood oo Soomaali ah, kana tirsanaa Daacish ayaa lagu khaarijiyay weerarkan, iyada oo dhaawac intaas ka badana loo gaystay argagixisada.

Sidoo kale, inta uu socday howlgalka waxaa lagu burburiyay difaacyadii firxadka kooxda Daacish ee degaanka Cadayle, kuwaasi oo horay uga soo cararay godka Sadow, kaddib hawlgalkii hore ee ciidamadu kula wareegeen Sadow iyo Dacarre.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana ciidamada ay kusii siqayaan buuraha hoostooda, si looga saaro maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Puntland waxa ay sheegtay in dib ka shaacin doonto khasaaraha rasmiga ah iyo natiijada laga gaaray howlgalka cirka iyo dhulka ah ee lagu qaaday maleeshiyaadka Daacish.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeynta uu ka fuliyay gobolka Bari, waxaase inta badan uu faah-faahinta dib kasoo sheegaa marka uu fuliyo weerarka kadib, waana tan dahaareysa in xog dhammeystiran laga helo sida khasaaraha ka dhashay weerarkaas inta uu gaarsiisan yahay, cidda sida rasmiga ah loo beegsaday iyo haddii dad rayid ah wax gaareen.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka Carabta, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa horay albaabada u furay cid walba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News