Waajid (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen aagga degmada Waajid ee gobolka Bakool, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Ceel Jeedow, waxaana ciidamadu ay jab culus ku gaarsiiyeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay ka saareen Al-Shabaab deegaanka howlgalku ka dhacay, lagana dilay tiro maleeshiyaad ah.
“Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorshaysan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta AS oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Ceel Jeedow, oo hoos taga Waajid. Howlgalka oo ahaa mid si taxadar leh loo fuliyay, ayaa sababay in cadowga laga saaro goobihii ay isku aruursanayeen, iyadoo laga dilay tiro maleeshiyaad ah, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen ama ay firxadeen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Inta uu socday howlgalkan waxaa sidoo kale lagu burburiyay hub iyo gaadiid ay lahaayeen Al-Shabaab oo goobta lagu gubay, sida lagu sheegay bayaanka.
“Bartilmaameedku wuxuu ahaa xarumo ay Khawaarijtu u isticmaali jireen qorsheynta dhagarta iyo caburinta shacabka deegaanka. Waxaa la burburiyay gaadiid iyo agab ciidan oo ay halkaasi ku kaydsanayeen” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo la sii raaciyay “Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale muujiyay kartidooda iyo go’aankooda ku aaddan sifeynta dalka ee Khawaarijta, iyagoo si dhow ula shaqeynaya shacabka deegaanka oo door weyn ka qaadanaya la shaqeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed”.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo ay isku sii fidinayaan ciidamada.
Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ku xooggan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo howlgallo culus oo lagu qaado fariisimaha kooxda.

