Riyadh (Caasimada Online) – Weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan (drones) bishii hore ku qaadeen Safaaradda Mareykanka ee Sacuudi Carabiya ayaa gaystay khasaare ka ballaaran intii horay loo shaaciyay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan ah oo la hadlay wargeyska Wall Street Journal.
Weerarkan ayaa dhacay 3-dii bishii Maarso, markaas oo diyaarad drone ah oo Iiraan ay leedahay ay ka dhex-dustay nidaamyada difaaca hawada ee ilaaliya Xaafadda Diblomaasiyiinta ee Riyadh (Diplomatic Quarter), kahor inta aysan ku dhicin dhismaha safaaradda Mareykanka.
Hal daqiiqo kaddib, diyaarad labaad ayaa ka gashay daloolkii ay dhismaha ka sameysay diyaaraddii koowaad, iyadoo halkaas ku qaraxday, sida ay saraakiishu sheegeen.
Duqeymahan oo dhacay xilli habeen ah ayaa gaaray qayb ammaan adag leh oo ka tirsan safaaradda, halkaas oo caadiyan ay maalin kasta ka shaqeyn lahaayeen boqolaal qof, waxayna si weyn u burburiyeen saddex dabaq.
Xarunta Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA) ee safaaradda dhexdeeda ayaa ka mid ahayd meelaha la duqeeyay, sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal u ah arrintan.
In kasta oo Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ay xilligaas sheegtay in weerarku uu sababay dab xaddidan iyo khasaare kooban, saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in xaaladdu ay intaas ka darnayd, iyadoo uu kacay dab socday muddo 12 saacadood ah.
Qaybo ka mid ah safaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aan dib loo hagaajin karin, sida uu sheegay qof looga warbixiyay dhacdadan.
Diyaarado kale ayaa isla habeenkaas dhexda lagu burburiyay saacado kaddib, iyadoo haraadigooduna uu ku dhacay meel u dhow xarun xanaanada carruurta ah. Mid ka mid ah diyaaradahaas ayaa la rumeysan yahay inay bartilmaameedsanaysay guriga diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ee Sacuudiga, kaas oo u jira safaaradda dhowr boqol oo tallaabo.
Weerarka safaaradda ayaa dhacay 1:30 habeenimo. Saraakiisha ayaa sheegay in haddii uu dhici lahaa xilliga shaqada, uu sababi lahaa dhimasho iyo dhaawac aad u badan. Balse, weerarku wuxuu diray farriin ah in Iiraan ay ku beegsan karto Mareykanka goobaha ay u haysteen inay ammaan yihiin.
“Iiraan waxay awoodday inay soo saarto hub ay iyadu farsameysay, kaas oo soo safray boqolaal mayl, ayna gelisay safaaradda cadowgeeda ugu weyn, taas oo la macno ah inay magaalada dhexdeeda ku dhufan kareen bartilmaameed kasta oo ay doonaan,” ayuu yiri Bernard Hudson, oo hore u ahaa madaxii la-dagaallanka argagixisada ee CIA, khibrad dheerna u leh waddamada Gacanka Khaliijka oo uu ku jiro Sacuudiga.
“Waxaa gabi ahaanba la qariyay xogta dhabta ah ee khasaaraha gaaray goobahan,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya safaaradaha iyo saldhigyada Mareykanka. “Tani waxay xoojinaysaa shakiga ah in khasaare aad u badan uu dhab ahaan dhacay.”
Markii weerarkii 3-dii Maarso uu ku dhuftay xaafadda diblomaasiyiinta, qiiq ayaa ka istaagay safaaradda oo ku milmay mugdiga habeenka, waxaana la maqlayay dhawaqa rasaasta qoryaha darandoorriga u dhaca oo loo badinayo in lala beegsanayay shay hawada ku jiray, sida ka muuqatay muuqaal uu duubay qof deegaanka ah.
Farriin digniin ah oo xaalad degdeg ah oo lagu baahiyay luqadda Ingiriiska ayaa dadka ugu baaqday inay dadka ka fogaadaan daaqadaha oo ay gabbaad raadsadaan.
Iiraan ayaa mar kale caddaysay farriinteeda dabayaaqadii bishii Maarso, markaas oo ay si dhab ah u bartilmaameedsatay diyaarado Mareykan ah oo ku sugnaa Saldhigga Cirka ee Prince Sultan, oo ay ku jiraan diyaaradda raadaarka ee E-3 Awacs iyo diyaaradaha shidaalka qaada.
Qiyaastii toban askari ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, oo laba ka mid ah ay xaaladdoodu liidato. Tani waxay ahayd ugu yaraan markii labaad ee Iiraan ay saldhiggaas ku beegsato diyaaradaha shidaalka qaada.
Safaaradda Mareykanka ee Riyadh, si la mid ah inta badan xarumaha Mareykanka ee daafaha caalamka, ma maamusho nidaam difaac hawo oo u gaar ah, balse waxay ilaalinta amniga iyo xakamaynta dabka ku tiirsan tahay dalka martida loo yahay.
Milateriga Sacuudiga ayaa qasri u dhow halkaas ku ilaaliya nidaamka difaaca hawada ee Patriot, kaas oo baaxaddiisu ay gaarto Xaafadda Diblomaasiyiinta, sida ay sheegeen saraakiil hore oo ka tirsan difaaca Mareykanka.
Weerarka Iiraan ee Riyadh ayaa carqaladeeyay degenaanshihii xaafaddan dhirta badan, taas oo hoy u ah inta badan safaaradaha shisheeye, iyo kumanaan qurbajoog ah iyo Sacuudiyaan isugu jira, oo ay ka mid yihiin madaxda shirkadaha ugu waaweyn, wasiirro, iyo xitaa xubno ka tirsan qoyska boqortooyada.
Xaafaddan ayaa muddo dheer tusaale u ahayd gabbaad ay reer Galbeedku ku noolaadaan, iyadoo bixisa naadiyo orod oo isku-dhaf ah (rag iyo dumar), helitaanka aalkolada oo muddo dheer ka mamnuuc ahayd bulshada dalkaas, iyo dareen ah in xeerarka adag ee boqortooyadu aysan halkaas ka shaqeyn.
Waddooyin dhaadheer oo loo naqshadeeyay orodka iyo baaskiilka ayaa bixiya goob ka duwan saxmadda magaalada ee ka baxsan irdaha xaafadda. Kirada guryaha xaafaddan ayaa ah midda ugu qaalisan dalka.
Dhowr sano ka hor, Xaafadda Diblomaasiyiinta ayaa si joogto ah waxaa loola beegsaday gantaallo ay soo rideen maleeshiyada Xuutiyiinta ee Yemen.

