25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro: Xogta kulan cusub oo dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulan cusub ku yeeshay Addis Ababa, kaas oo dhexmaray Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan iyo Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha ee waddanka Itoobiya, Marwo Muferihat Kamil Axmed.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirada ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan arrimaha shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha iyo tayeynta suuqa shaqada ee Geeska Afrika.

Sidoo kale waxa ay ku ballameen in la xoojiyo wada shaqeynta dhexdooda ah, si looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka, la’iskuna dhaafsado fikrado wax ku ool ah.

Dhinaca kale Wasiir Yuusuf ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxa African Electronic Trade Group (AeTrade), Mudane Mulualem Syoum oo ay ka wada-hadleen arrimaha gobolka.

Labada mas’uul ayaan kulankan ku gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada shaqo-abuurka iyo xirfad-siinta dhalinyarada Soomaaliyeed si loo horumariyo mustaqbalkooda.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban labada dhinac, kaas oo ka shaqeyn doona hirgelinta wada-shaqeynta.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada uu wado Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan oo maalmihii u dambeeyay u baxayay safaro dibada ah oo ku aadan horumarinta wasaaradda.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneysa isbeddallo waaway, iyada oo wacdaro ka dhigeysa fagaareyaasha caalamka iyo gobolka, marka loo eego diblumaasiyadda cusub ee ay lasoo baxday.

- Advertisement -

Read more

Local News