Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray R/W Xamza iyo safiirka Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, Axmed Juma Al Rumaithi oo fadhigiisu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda gobolka, oo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ugu horreyso xiisadda heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Imaaraadka ayaa kamid ah waddamada Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, kaas oo ka taageero dhinacyada dhaqaalaha, milatariga iyo arrimaha bani’aadanimada.

Waxaa kale oo uu Imaaraadka gacanta ku hayaa qayb kamid ah ciidanka Soomaaliya, kuwaas oo uu siiyo tababaro gaar ah iyo qalab milatariga.

Wada-hadalladan cusub ee dhex-maray Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan dowladda federaalka ay heshiis difaac lasoo gashay Turkiga, kaas oo la rumeysan yahay inuu ka soo horjeedo Imaaraadka oo isna dhaq-dhaqaaq ka wada dalka.