Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa haatan martigelinaysa kulan muhiim ah oo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Mucaaradka.
Kulanka ayaa lagu wadaa in uu noqdo midkii ugu dambeeyay ee lagu xallinayo khilaafka ka taagan wax-ka-beddelka cutubka afraad ee Dastuurka, kaas oo quseeya hannaanka doorashooyinka iyo awoodaha hay’adaha dowladda.
Saacadihii la soo dhaafay, guddiyo farsamo oo labada dhinac kala matalaya ayaa yeeshay wada-hadallo diiradda lagu saaray qodobada ugu muranka badan, iyadoo ay muuqato in weli ay jiraan aragtiyo iska soo horjeeda.
Mucaaradka ayaa weli dood xooggan ka qaba qodobada qaar, gaar ahana cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyaga oo Madaxweynaha ka dalbaday in uu sameeyo tanaasul dhab ah oo aan leex leexad laheyn.
Inkastoo Madaxtooyadu ay ku adkaysanayso in lagu dhaqmo qaabka hadda uu Dastuurku u qoran yahay, haddana waxaa la filayaa in kulanka uu ku soo idlaado war-saxaafadeed rasmi ah oo labada dhinac ay si wadajir ah u soo saaraan, kaas oo lagu faah-faahin doono wixii heshiis ah ee la gaaray.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn indhaha ugu haya natiijada wada-hadalladan muhiimka ah ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madasha Samatabixinta.
Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa badankood qaba in tani tahay fursadii u dambeysay ee ay siinayaan Madaxweyne Xasan, oo muddo badan ka meermeerayay inuu is-faham dhab ah la gaaro, oo iyagu ka biyo diidan hanaanka doorasho ee socda.