Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo maanta ciidamada NISA iyo saaxibada caaamiga ah ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Howlgallada oo dhacay laba mar oo is xigta ayaa laga sameeyay Isgoyska Gaycad oo ka tirsan deegaanka Mabaax , waxaana jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo abaabul ka waday halkaasi.
Sidoo kale NISA ayaa xaqiijisay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan illaa 13 ka tirsanaa maleshiyaadka A-Shabaab oo firxad ah, sida ay hadalka u dhigtay.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaysa Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, kuwaas oo ahaa firxadka maleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Hay’adda NISA.
Waxaa kae oo lasii raaciyay “Hawlgalkan oo la fuliyay labo mar oo is xigtay ayaa bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka khawaarijta ah si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen”.
Hay’ada NISA ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonto beegsiga Al-Shabaab, si looga hortago dhibaatada ay kooxdan ku hayso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
“Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-sugidda.
Aaga Mabaax ayaa waxaa howlgalo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo inta badan weeraro ku qaado Al-Shabaabka ku sugan xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Labadan gobol oo la’isku yiraahdo HirShabelle ayaa waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay culeys xooggan soo saartay Shabaab oo dib u qabsatay deegaanno ku yaal gobolladaasi.