28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Xogta Laba nin oo uu ku jiro Imam Masjid oo maanta Boosaaso lagu qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Puntland ayaa magaalada Boosaaso kasoo xiray laba qof oo uu ku jiro Imaam masjid, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Labada nin ayaa la soo qabtay kadib howl-gal ay ciidanka amniga gobolka Bari xalay ka fuliyeen magaalada Boosaaso.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in imaamka masjidku yahay nin Oromo ah oo si wanaagsan ugu hadlaya af-Carabi, taasoo dhalisay tuhun badan oo ku aaddan sababta uu halkaas ugu sugnaa.

Labada nin ee la qabtay ayaa hadda laamaha amnigu ku wadaa baaritaan, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay waxa si gaar ah loogu tuhunsan yahay.

Hawl-galka xalay lagu qabtay labada nin ayaa qayb ka ah dadaallada ciidamada ammaanka ee lagu sugayo xasilloonida magaalada Boosaaso iyo ka hortagga khataraha amni, xilli maamulka dagaal adag kula jiro kooxda Daacish.

Dhinaca kale, Ciidamada Ammaanka Boosaaso ayaa saaka sii amba-qaaday hawl-gallada, iyagoo gaaray duleedka magaalada, gaar ahaan deegaannada Biyo-kulule iyo Girible.

Ujeeddada hawl-galladan ayaa lagu sheegay in looga hortago in dagaal-yahannada Daacish ee ka firxanaya hawl-galka Calmiskaad ee ka socda togga Baallade ay ku soo dhuuntaan gudaha magaalada Boosaaso.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal naf hur ah la galay kooxda Daacish, waxaana lagu guuleystay in laga saaro deegaano muhiim ah oo ay hore uga sameysteen saldhigyo tababar, iyadoo howl-galka lagu dilay dagaal-yahaanadii ugu badnaa oo ajaanib ah.

- Advertisement -

Read more

Local News