Xogta meydadkii sababay mudaharaadkii balaarnaa ee magaalada Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa shalay ilaa xalay ka socday mudaharaado lagaga soo horjeeday Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Dibad-baxayaashan ayaa ka dhashay kadib markii shacabku ka caroodeen dil saddex habeen ka hore ay Ciidamada Somaliland u geysteen labo ruux oo shacab ah, kuna noola magaaladaasi.

Sida ay Caasimada Online ogaatay meydadka dadkii dilka u geysteen ciidamada Somaliland ayaa weli la aasin, taasi oo qoysaskoodi ku dalbanayaan in cadaalada la hor-geeyo askartii dishay marxuumintaasi.

Mudaharaadkan magaalada Laascaanood ka socday 48-saac ee u dambeeyay ayaa waxay ciidamadu ku dhaawaceen 4-ruux, kadib markii ay isku dayeen inay rasaas ku kala eryaan dadkii mudahaaradayey.

Dhawaan unbey aheyd markii ciidamada Somaliland ay gudaha magaalada Laascaanood ay ka bilaabeen olole gudaha magaalada lagaga qab-qabanayo dadka hubka sharci darada ah ku dhex sita magaaladaasi, taasi oo la aaminsanyahay in howl-galkaasi ay ciidamadu ku dileen dadkaasi shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com