27.9 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Xogta muran ka taagan aaska maydka Jeneral MORGAN

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xaalad cusub oo lama filaan ah ay kasoo korortay aaska maydka marxuum Jeneral Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo dhowaan uun ku geeriyooday gudaha magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Xaaladda cusub ee soo korortay ayaa ka dhalatay, kadib markii la’isku khilaafay goobta lagu aasayo marxuumka oo geeriyooday todobaad kahor, kadib markii uu kusoo booday xanuun sababay in loo qaado magaalada Nairobi oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, khilaafka ayaa waxa uu soo kala dhex-galay qoyska marxuumka iyo Puntland, wuxuuna illaa iyo hadda maydka ku jiraa talaagad, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qoyska, gaar ahaan carruurtiisa iyo ooridiisii ay doonayaan in lagu aaso dalka Cumaan oo ay degan yihiin, halka madaxda Puntland iyo ehellada kale rabaan in la geeyo Puntland, laguna aaso taas oo illaa iyo hadda aan la isku afgaran.

Mid kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland oo lagu magacaabo Siyaad Cali Jaamac, kana mid ah ehellada maxuumka ayaa sheegay in qoyska reer Maxamed Siyaad Barre oo uu xidid la’ahaa Jeneral Morgan ay ku adkaysanayaan in maydka ay u qaataan dalka Cumaan oo ay dagan yihiin, si halkaasi lagu aaso, iyaguna ay rabaan in Puntland aas loogu sameeyo.

Siyaad ayaa eedeyn u jeediyay qoyska, isaga oo su’aal ka keenay sababta ay ku diidan yihiin in marxuumka lagu aaso deegaankiisa, halkii loo qaadi lahaa dal shisheeye.

“Mar kale 7 maalin kadib waxaan tacsi iyo samirsiinba la wadaagayaa dhamaan dadka reer Puntland, dowladooda iyo shacabka Soomaaliyeed sugidii ay sugayeen inay ka qayb galaan aaskiisa oo ay ahayd in lagu aaso gurigii uu ku dhashay, Suurta gal la’aantaas waxaa u sabab ah reer Maxamed Siyaad Bare oo doonaya inay Cumaan ku aasaan anaga oo tix gelinayna go’aanka gaarka ee qoyska, hadaba sida Soomaali wada ogtahay AUN Mohamed Siyaad waxaa uu ku dhintay Nigeria waxaana qoyskiisu iyo ehelladiisuba ku aaseen deegaankii uu ku dhashay siiba degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, waxay Aabohood u diideen maxay Morgan ugu wadan?”. ayuu yuru Siyaasi Siyaad Cali Jaamac.

AUN Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyey xanuunsanaa, waxaana la sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay kadib markii uu xanuun degdeg ah caloosha kaga soo booday xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Intaa kadib, waxaa loo qaaday magaalada Nairobi si loogu dabiibo, balse nasiib darro wuu u adkeysan waayey, isaga oo ugu dambeyn ku geeriyooday halkaasi

Gen. Moorgan waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949. Tababaro sare oo ciidan ayuu ku soo qaatay dalalka Maraykanka iyo Talyaaniga, isagoo ka mid noqday saraakiishii ugu aqoonta sarreysay ee ciidamadii qalabka sida ee Soomaaliya. Waxa uu caan ku noqday doorkii uu ka qaatay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ku dhexmaray gobolka Soomaali Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News