Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ayaa xabsiga dhigay Ramadaan Caydaruus Cali, kaasi oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay maalgelinta kooxda Al-Shabaab.
Ninkan oo isla maanta la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa loo haystaa dambiyada maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.
Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in Ramadaan uu akoonkiisa marsiiyay lacago badan oo lagu maalgelinayay argagixisada, si loogu adeegsado falal ka dhan ah amniga.
Maxkamaddu waxay amartay in Ramadaan Caydaruus lagu sii hayo xabsiga, kadib markii ay ku qanacday warbixin hordhac ah oo uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud u gudbiyay.
“Maxkamaddu, kadib markii ay ku qanacday warbixinta hor-dhaca ah ee xafiiska, waxay ku amartay in lagu hayo xabsi ku meel gaar ah inta baaritaanka kiiska laga dhammaystirayo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xeer Ilaalinta.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa si adag ugu digay cid kasta oo ku lug leh maalgelinta argagixisada ama u fududeysa kooxda inay helaan lacagaha baadda ah ee ay ka ururiyaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.
“Xafiiska waxa ka go’an inuu si adag ula dagaalamo Maalgelinta Argagixisada iyo Lacag Dhaqista, isaga oo uga digaya cid kasta oo ku howlan arrimahan in la marsiin doono caddaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka Xeer Ilaalinta.
Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxaa qeyb muhiim ah ka ah midka dhinaca dhaqaalaha, maadaama ay kooxdu malaayiin doollar ka hesho cabsi-gelinta shacabka.