27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Xogta shirka Xasan Sheekh iyo mucaaradka iyo saacadda uu si rasmi ah u furmayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah martigelineysa shir weyn oo siyaasadeed, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Kulankan oo lagu wado inuu furmo 11-ka barqanimo, ayaa ku bilaaban doona hab-maamuus uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in furitaanka shirka diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee dalka, kadibna loo gudbi doono ka doodista qodobada la isku waafaqsan yahay.

Qabsoomidda shirka ee gudaha Madaxtooyada ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Villa Somalia. Xubnaha Golaha Mustaqbalka iyo madaxda maamullada mucaaradka ayaa horey uga caga-jiidayay inay galaan xarunta madaxtooyada, balse wadahadallo horudhac ahaa oo dhacay Talaadadii ayaa lagu xalliyay tabashooyinkaas, iyadoo damaanad amni oo buuxda la siiyay madaxdaas.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Villa Somalia ay ku guuleysatay in gogosha wada-hadalka la dhigo aqalka looga arrimiyo dalka, halkii markii hore ay madaxda qaar dalbanayeen goob dhexdhexaad ah.

Wararka ayaa sheegaya in doodaha ugu adag ee la isku mari la’yahay, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, loo dib-dhigay maalinta berri ah iyo wixii ka dambeeya. Qodobadan ayaa ah xudunta khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana la filayaa in doodo kulul ay hareeyaan fadhiyada soo socda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii Talaadada kulan gaar ah la qaatay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Kulankaas ayaa soo afjaray khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo labada maamul, waxaana la isla meel-dhigay qaabka loo wajahayo shirweynaha maanta furmaya.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo, ayaa waxaa indhaha ku haya Beesha Caalamka oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Waxa kale oo soo baxaya xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in wada-hadallada la ballaariyo, laguna soo daro qaybaha bulshada rayidka ah heerarka dambe ee shirka.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

- Advertisement -

Read more

Local News