24.9 C
Mogadishu
Monday, October 6, 2025

Xog: Wada-hadallada Xasan iyo Madoobe ee Kismaayo oo la isku mari la’yahay

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa u bilowday wada-hadallo ay albaabadu u xiran yihiin, kuwaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadeed iyo khilaafka taagan.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in Madaxweyne Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.

Hoggaanka Jubbaland ayaa dhankiisa ku adkaysanaya in Dowladda Federaalka ay marka hore aqoonsato doorashadii maamulkaasi qabtay, ka hor inta aan laga hadlin qodobada kale ee muranka dhalinaya.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in maanta lays mari waayey, balse la filayo in wada-hadalladu sii socdaan caawa illaa gelinka hore ee berri si loo gaaro is-afgarad.

Wada-hadallada waxaa goob joog ka ah Taliyaha Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji oo qeyb ka ah dhexdhexaadiyaasha iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya. Waxaana qeybta labaad ee wada-hadalka uu ahaa mid ay keli ku ahaayeen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

Guriga Martida Kismaayo ee ku yaalla dhanka Badda ayay wada joogaan madaxda, waxaana weli dhinacyadu ku dhagan yihiin mowqifyadoodii hore.

Jubbaland ayaa hore u dalbatay in wada-hadalada Kismaayo ka dhacaya aysan ku jirin dood ku saabsan sharciyadda doorashadii uu Axmed Madoobe kusoo baxay.

Villa Somalia ayaa sidoo kale horey uga baaqsatay inay soo saarto warqad ku saabsan mowqifkeeda muddada xil-haynta Axmed Madoobe, taas oo si weyn u daneynayay hoggaanka Jubbaland ka hor wada-hadallada Kismaayo. Qodobkan ayaa u muuqda mid weli Xasan uu ku lulayo Madoobe, si uu tanaasul u sameeyo, loona gaaro isfaham rasmi ah.

Safarka Kismaayo ayaa imanaya xilli todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu tala-galeen waqtiga kala guurka ee dalka, taas oo sii adkayn karta wada-hadallada uu hadda la leeyahay Dowladda Federaalka.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan dadaal ugu jira inuu la kulmo madaxda dowlad-goboleedyada ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa, xilli uu wajahayo mucaaradad xooggan oo ka imaanaysa gudaha caasimadda iyo maamulada qaarkood.

Puntland, Jubbaland iyo Madasha Mucaaridka ayaa weli si mideysan uga soo horjeeda qorshaha doorashada qof iyo cod, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddo-kordhin kasta oo la xiriirta xil-haynta madaxda dowladda dhexe.

Sannadka ugu dambeeya ee xil-haynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa noqday mid ku suntan muran siyaasadeed, iyadoo xiisadda u dhaxeysa saamileyda siyaasadda ay gaarto meel sare.

- Advertisement -

Read more

Local News