Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahhino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay maleeshiyad ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin dueedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.
Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Burjeed oo u dhexeeya magaalada Baydhaba iyo deegaanka Deynuunaay.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa, taas oo cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan aagga lagu dagaalamay.
Saraakiil u hadashay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana haatan ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobaha lagu dagaalamay oo weli ciidamada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah.
Dhanka kale, Al-Shabaab oo iyaguna wa soo saaray waxay baraha bulshada ku sheegteen inay khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada dowlada iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan bannaanka magaalada Baydhaba. Ma cadda cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada labad dhinac ee ku aadan daagalka.
Weerarka iyo dagaalka xigay waxaa ka horreeyay dagaallo kale oo horay uga dhacay Burjeed, kuwaas oo lagu jaabiyay Khawaarijta, sidoo kale ย khasaare culus lagu gaarsiiyay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda.
Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab oo xilligaas la laayay aya la geeyay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.
Kadib dhacdadaasi, waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi.
Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarineyso qaadista guluf oo ka dhan ah argagixisada si la’isugu furo, go’doonkana looga qaado deegaannada maamulkaasi.