25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xogtii ugu dambeysay ee xaaladda Beled-Xaawo iyo JANAN oo shaaciyay in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa haatan degan, iyadoo si buuxda ay maamulkeeda ula wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Taliyaha NISA ee Jubbaland, Cabdirashiid Janan.

Ciidamadan ayaa Arbacadii la wareegay saldhigga magaalada, xarunta hay’adda socdaalka iyo xarunta degmadaba, waxaana haatan dib usoo laabtay adeegyadii muhiimka ahaa ee gudaha Beledxaawo.

Isgaarsiinta oo go’nayd muddadii dagaalku socday ayaa hadda dib u soo laabatay, sidoo kalena waxaa dib loo soo celiyay korontadii, sida uu xaqiijiyay Cabdirashiid Janan oo la hadlay BBC.

Janan ayaa sheegay in xaaladda magaaladu ay haatan degan tahay, isagoo ugu baaqay dadkii barakacay inay dib ugu soo laabtaan magaalada. “Dib ayaa usoo celinay isgaarsiinta iyo korontadii maqneyd, waana nabad degmadu,” ayuu yiri Janan.

“Xarumihii dowladda waxaa gacanta ku hay ciidanka dowladda. Shacabka waxaa ugu baaqayaa inay isdajiyaan oo kusoo noqdaan guryahooda,” ayu yiri Taliyaha NISA ee Jubbaland.

Sidoo kale, Janan ayaa ciidamadii la dagaalamay ee ay ka adkaadeen ugu baaqay inay dib u fikiraan, oo aysan mar kale dadkooda soo weerarin. Taas oo ah baaq toos ah oo uu rabo in ciidamadaasi aysan u dagaalamin Axmed Madoobe.

“Wiilasha Soomaaliyeed ee la soo qalday waxaa rajeynayaa ama odayaashii ka dambeysay ay ka waantoobi doonaan wixii dhacay,” ayuu yiri Janan oo ku dooday in dagaalkii Arbacadii lagu qasbay kadib markii ciidankii kasoo horjeeday uu culeyska saaray shacabka magaalada.

Janan ayaa ku cel-celiyay in ciidamada uu hoggaaminayo muddo ka hor joogay dagaal wiilal Soomaaliyeed wada galaan, maadaama uu aaminsan yahay in ciidamada u dagaalamaya Axmed Madoobe la soo qalday, balse ay markii dambe ka fursan weyday, ayna sidaas ula wareegeen gacan ku haynta Beledxaawo.

Si kastaba, Beledxaawo ayaa marti gelisay dagaalo teelteel ah oo maalmo badan ka socday, labada dhinac ayaa maalin kasta dalbanayey gurmadyo is dabajoog ah, ugu dambeyntiina Jubaland ayaa laga adkaaday Arbacadii.

Ciidamadii Jubbaland ee taabacsanaa Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay u carareen dhanka magaalada Madheera ee Kenya, waxaana suurtagal ah inay dib ugu soo rogaal celiyaan oo dagaal kale ay soo qaadaan.

- Advertisement -

Read more

Local News