Xoogaga Shabaab oo billaabay inay isku dhiibaan Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada warfaafinta Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada gobolka Mudug uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, walow uusan shaacin magaciisa & waxa uu qaabilsanaa.

Falagle ayaa sheegay in sidoo kale saacadaha la filayo inay isa soo dhiibaan xubno kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo koox-koox u socdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa jiraa sarkaal sare oo isku soo dhiibay ciidamada Galmudug sidoo kale saacadaha soo socda waxaa la filayaa inay Number badan isu soo dhiibaan, iyaga oo koox koox u socda,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay keentay culeeska la saaray kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada huwabta ay sare u qaadeen howl-gallada iyo dagaallada ay ka wadaan deegaanada dhaca koonfurta Mudug ee bartamaha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in dhalinyarada ka bar-bar dagaalameysa Al-Shabaab ee haatan ku sugan Galmudug in laga keenay meelo fog-fog, isla-markaana lasoo qalday.

“Waxaan is-leeyahay culeeska dagaal ee saaran wuxuu ahaa abid kii ugu cuslaa oo fuula, marka culeeskaas ayey aad u dareemayaan oo meesha ka jira, waxayna dadka u badan yihiin dhalinyaro meelo fog-fog laga keenay oo lasoo qalday,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dhinaca Bacaadweyne Al-Shabaab lagu gaarsiiyey jabkii ugu xooganaa, isaga oo intaasi raaciyey in ciidamada huwanta ee is garabsanaya ay joogaan goobihii lagu dagaalamay.

“Dhaawac weyn ayaa la gaarsiiyey ciidamaduna waxay joogaan meelihii ay howl-galladu ka dhaceen, marka arrimahaasi waa arrimo u gaar ah, laakiin barihii ay dagaalladu ka dhaceen gacanta ayey ku jiraan,” ayuu wareysiga markale ku yiri wasiir Axmed Falagle.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo howl-gallo culus ay ka socdaan gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.