27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xoosh Jabriil oo shaaciyey Qorshaha C/W GAAS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaabn Xoosh  Jabriil oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay danta madaxweyne Gaas uu ka leeyahay ku adkeynta dowlada Soomaaliya ee arimaha doorashooyinka.

Xildhibaanka ayaa kasoo horjeestay hishiiskii dhawaan magaalada Garowe ay ku gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo lagu hishiiyay arimaha doorashooyinka dalka.

Xildhibaan Xoosh, ayaa sidoo kale in Puntland ay dooneyso iney la wareegta awooda soo xulida xildhibaanada imaanaya dhamaadka sanadkan oo ay afduubato  beelaha daga deegaanka Puntland.

“Puntland waxay u dagaalameysa in awooda lagu soo wareejiyo, Madaxweynaha Puntland asiga laftirkiisa beel ayuu ka yimaadaa, mana ahan in awood loo siiyo inuu wax soo xulo, waa in beelaha degan gobolada la ixtiraamo”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Xildhibaan Xoosh ayaa soo jeediyay in dib loogu laabto hishiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
- Advertisement -

Read more

Local News