24.6 C
Mogadishu
Wednesday, August 27, 2025

Xubnaha mucaaradka ee la heshiiyay Xasan Sheekh oo la kulmaya beesha caalamka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee dhawaan ka baxay Madasha Samatabixinta oo uu ku mideysnaa mucaaradka dowladda ayaa la kulmaya wakiiladda caalamka ee xaruntooda tahay Xalane, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Kulankan oo magaalada Muqdisho ka dhacay saacadaha soo aadan ayaa waxay xubnaha mucaaradka la wadaagayaan wakiiladda beesha caalamka heshiiskii siyaasadeed ee shalay ay la gaareen Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan iyo xubnahan ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa shalay magaalada Muqdisho ku gaaray heshiis xal looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, iyadoo dhinacyadu isla qaateen hanaan doorasho oo ka gedisan midkii ay Villa Somalia muddooyinkii dambe ka shaqeynaysay.

Xubnahan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa saaxiibadooda ka wada tirsanaayeen Madasha isku seegeen in xalka laga gaarayo muranka doorasho ee taagan.

Heshiiskan cusub ayaa weji kale u yeelay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday in la isla aado teendhada Afisyoone, oo horey loogu soo doortay.

Inkastoo Madaxweynaha ku adkeystay qodobada qaar ee doorashada qof iyo cod ku adkeystay, sida in golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ay noqdaan kuwa loogu tartamo doorasho dadweyne.

Xildhibaannada ayaa ku imanaya doorasho qof iyo cod, iyadoo xubnaha baarlamaanka lagu soo saaran doono ururro, taas oo ka dhigaysa “ururrada xubno badan soo saarta in ay noqon doonaan xisbiyo qaran.”

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in doorashooyinka dalka lagu saleeyo xeerka doorashooyinka 2024 islamarkaana si dhakhso ah loo qabto doorashooyinka heer deegaan, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal.

- Advertisement -

Read more

Local News