Xubno Al-Shabaab ahaa oo lagu laayey SH/ HOOSE

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose, halkaas oo ay ku xoogan tahay Al-Shabaab.

Howl-galka ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Ugunji, kadib markii ay weerar gaadmo ahaa ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog-ku aadan weerar ay kooxda Al-Shabaab kasoo abaabuleyso halkaasi, kadibna ay weerar ku qaadeen, si ay uga hortegaan duulaanka kusoo socday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay dileen ugu yaraan 11 dagaalame, isla-markaana ay gubeen gaari Cabdi Bile ah oo loo diyaarinayey fulinta weerarkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey weeraro geystay khasaare kala duwan, iyada oo ay xoogeysteen dhaq-dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi.