FARMAJAO oo shaaciyey inuu arrinta doorashada dib ugula laabanayo BF (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay jeediyey khudbadii uu balan qaaday, kadib markii ay garabkiisa baneeyeen madaxda maamul goboleedyadii taabacsanaa, kuwaas oo si cad uga soo jeestay mudo kororsigii ay xildhibaanada mudo xileedkoodu dhamaaday u sameeyeen 12-kii bishan April.

Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn weerar afka ah ku qaaday dowlad goboleedyada qaar iyo dowlado shisheeye oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin dalka ay doorasho nabdoon ka dhacdo, ayaa soo dhaweeyey weeyey baaqyadii saacadihii la soo dhaafay ka soo baxay dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo ka ddhashay go’aankii ay Galmudug iyo HirShabeelle uga soo hor-imaadeen mudo kororsiga, isla markaana uu taageeray ra’iisul wasaare Rooble.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay caawa kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo, iyo cidda u hiilinaysa nabadda, qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in maalinka Sabtiga ah ee soo socda uu hor tegi doono xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka, si uu mar kale u horgeeyo arrimaha ku soo kordhay doorashooyinka dalka.

“Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada,” ayuu yiri.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixayaashii heshiiskii 17-kii September ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir deg deg ah si loo saxiixo qodobada harsan, iyadoo aan lagu xireyn wax shuruud ah, si buu yiri loo guda galo hir-gelinta doorasho la isla ogolyahay.

“Annagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhiggeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17ka Sebteembar 2020, iyo tala-bixintii guddiyada farsamada ay ku gaareen magaalada Baydhabo 16-kii Febraayo 2021,” ayuu yiri Farmaajo.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda iyo bedqabka shacabka birimageydada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara khalkhal amni, shacabka Soomaaliyeed-na ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.

Hoos ka daawo khudbadiisa