Xubno ka mid ah guddiga doorashada Somaliland oo u jawaaabay Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay guddoonka sare ee doorashada Somaliland, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo lagu hakiyey doorashada illaa 16 kursi oo la qaban lahaa.

Xubnahan oo markii hore kasoo galay guddiga dhanka Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday inay ayidsan yihiin go’aanka lagu hakiyey kuraastaas, si loo hubiyo habsami socodkooda.

Sidoo kale xubnahan ayaa soo jeediyey in guddiga doorashada uusan soo saarin jadwalka kuraastaasi, sidoo kalena la hakiyo diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen xubnahan in marka hore la dhammeeyo khilaafka ka taagan guddiyada soo xulaya ergada dooraneyso 16 kursi ee horay loo shaaciyey doorashadooda.

Arintan ayaa muujineyo in markale ay labo garab u kala qeybsameen gudiga doorashada SEIT ee Somdaaliland, kuwaas oo ay horay  usoo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Si kastaba, sababta ugu weyn ee loo haliyey doorashada kuraastan ayaa waxaa lagu sheegay in la xaqiijinayo cuqaasha, qoondada haweenka iyo hufnaanta doorashada.

Go’aankan xasaasiga ah ayaa imaanaya, xili uu dhawaan guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu shaaciyey in la laalay habraacii ay kal hore ku heshiiyeen guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ee lagu hagayey doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii