Xubno ka tirsan Shabaab oo lagu qabtay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa howlgallo culus ka wada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii Isniintii la soo dhaafay ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ahaa oo is xig xigay.

Howlgallada oo aha akuwa culus ayaa waxaa lagu xaqiijinayey amniga magaalada, ayada oo lagu soo qab qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dad kale oo tuhmanayaal ah, sida uu shaaciyey taliye ku xigeenka saldhigga Booliska degmada Beledweyne, Bashiir Cadaani.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay in baaritaano dheeraad ah ay ku hayaan xubnaha la soo qabtay oo lagu xiray saldigga Beledweyne, isaga oo sheegay inay sii wadayaan howlgalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay adkeeyeen amniga Beledweyne, ayna xireen dhanka buundooyinka oo uu sheegay in inta badan ay ka soo gudbaan qaraxyada.

“Hadda waxaan u maleynaa dhinac dambe oo ay ka soo geli karaan ma jirto, badanaa waxay ka yimaadaan buundooyinka, buundooyinkii oo dhana waan xirnay.” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah, isaga oo ugu baaqay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Beledweyne ayaa waxaa Isniintii la soo dhaafay ka dhacay illaa saddex qarax kuwaas oo ay ku dhinteen 30 qof, ayna ku dhaawacmeeny 58 kale, sida ay shaaciyeen laamaha amniga.

Weeraradaan waxaa dhabarka u ridatay kooxda Al-Shabaab, waxayna uga jawaabeysay kacdoonka shacab ee ay reer Hiiraan ka bilaabeen gobolkaasi, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda, kadib markii looga qabsaday deegaano muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.