Xubno Shabaab ahaa oo howl-gal lagu laayey

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howl-gal ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galka oo ahaa mdi qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday deegaanka Gamboole oo hoostaga magaalada ee caasimada HirShabelle, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka qeybta 16-aad oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi lu dilay ku dhowaad ka tirsanaa dagaalyahanada Shabaab.

Sidoo kal saraakiisha ayaa intaasi sii raaciyey inay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milatari oo ay laheyd kooxda Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.