Xubno Shabaab ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Galcad

Galcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo is kaashanaya ay howlgal culus ka sameeyeen duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa inta u dhexeysa Galacad iyo deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Maxamed Jowle ayaa xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku sugnaayeen aagga tuulada Aflax oo hoostagta magaalada Galcad.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay la wareegeen hub iyo gaarid NOAH ah oo ay wateen raggaas oo uu ku eedeeyay inay dhibaato ku hayeen dadka deegaanka.

Maxamed Jowle ayaa xusay in kooxdan ay si dhuumaaleysi ah uga howlgalayeen halkaas, isla-markaana ay muddo ku raad-joogeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay miinooyin ku aasi jireen waddooyinka ay isticmaalaan dadka safareyda ah, sidoo kalena ay maraan ciidamada huwanta.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas oo ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Galcad oo ay dhowr jeer soo weerareen Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug.