27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Galmudug oo qaaday weerar qorsheysan oo lagu laayay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgallo culus oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Howlgalllada oo ay sameeyeen ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys, waxaana lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalladaas khasaare wayn lagu gaarsiiyay argagixisada, isla markaana lagu dilay ugu yaraan illaa 5 dhagarqabe, sidoo kalena lagu dhaawacay maleeshiyaad kale iyo horjoogayaal sar sare.

Horjoogayaasha dhaawaca ah waxaa kamid ah horjoogihii Khawaarijta ee aagga deegaanka Ceelgaras, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ay baahisay warbaahinta Qaranka.

“Ciidanka Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan Ururka Galayr ayaa deegaanada Ceelahelay iyo Dhaban-dhulkuheys ee gobolka Galgaduud ka fuliyey howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyey cadowga Khawaarijta. Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen ugu yaraan shan dhagarqabe, iyag aoo howlgalkaas ku dhaawacay maleeshiyaad kale oo horjoogihii Khawaarijta ee aagga Ceelgaras uu ku jiro”. ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale howlgallada ayaa weli sii socda, waxaana haatan ciidamada ay isku fidinayaan dhulka howdka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, si loo xoreeyo.

“Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin u dhow deegaanka Ceelgaras, waxayna dhagarqabayaashii Khawaarijta isaga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen”. ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkan ka socday howlgallo lagu dhaafiyay Khawaarijta, waxaana iska kaashanaya ciidanka Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.

Howlgalladii ugu cuslaa ee guuleystay waxaa kamid ah midkii Ceeldheer oo cashir lama ilaawaan ah dhawaan loogu dhigay Al-Shabaab oo isku deyday inay weerar kusoo qaado degmadaas oo kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News