Xujeydii u badneyd ee Soomaali ahoo gaaray Makka iyo isbeddelka sanadkan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si habsami leh u socota daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudaneysa waajibaadka Xajka.

Waxaa maanta magaalada Barakeysan ee Madiina ka ambabaxay gaadiid ay saaran yihiin xujey maalmahaan ku sugnaa magaaladaasi, kuwaas oo gaaray magaalada Makkah.

Xujeyda ayaa seddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Madiina, kadib markii ay ka yimaadeen dalkeena Soomaaliya waxaana ay booqdeen goobaha barakeysan ee magaalada.

Howl-wadeenada xafiiska arrimaha Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan ugu adeegay xujeyda gaartay Boqortooyada Sacuudiga, sida ay sheegtay wasaaradda.

Waxaana weli socda duulimaadyada daabulaya xujeyda ee ka baxaya dalka, ayada oo maalmo kahor Wasiirka Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow uu Muqdisho ka sagootiyey xujeyda gaartay Sacuudiga, waxaana safarkii ugu horeeyey ju baxay 500 oo xujey ah.

Guud ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan baxaysa ayaa gaareysa 11 kun, waxaana xusid mudan in sanadkaan arrimo siyaasadeed ay Puntland uga hartay qeybsiga xujeyda ka baxeysa deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Halka Wasiir Mukhtaar Roobow uu dhankiisa sheegay in sanadkaan uu ka wanaagsanaan doono sanadihii hore, islamarkaana adeegyo muhiim ah oo dhameystiran ay heli doonaan xujeyda Soomaaliyeed, sida uu ballan-qaaday.