Xukun dil ah oo lagu ridday sarkaalkii dilay NAJMO

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta xukun adag oo dil toogasho ah ku ridday Gaashaanle Dhexe, Saalax Bullaale Jaamac oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Somaliland, kaas oo saddexdii bishaan May toogasho ku dilay marxuumad Najmo Cabdillahi Maykal.

Maxkamadda milatariga Somaliland oo soo soo saartay xukunka ayaa sheegtay in Saalax oo isla-markiiba gacanta lagu dhigay falka kadib lagu helay dambiga lagu soo oogay, waxayna ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaas marxuumada oo ahey gabar dhalinyaro ah.

Goobta maxkamadeynat ee sarkaalkaan iyo xukunka soo baxay waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan ciidamada, ehellada labada dhinac iyo dadweyne kala duwan.

AUN Najmo oo wadatay xilliga la dilayey gaari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay sarkaalkan oo isku dayey inuu baxsado.

Marxuumadda ayaa sidoo kale ka mid aheyd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee Somaliland, waxaana dilkeeda si weyn uga falceliyey ehelladeeda iyo dadka shacabka ah.

Sidoo kale Najmo Cabdullahi waxaa la sheegay in xilliga la dilayey ay isku qaban qaabineysay xafladda arooskeeda, sida ay sheegeen waalidiinteeda.

Si kastaba, dhacdadan ma ah mid ugub ku ah Somaliland, waxaana dhowr jeer magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi ka dhacay dilal ay geysteen askar ka tirsan Booliska Somaliland, kuwaas oo qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu ridday xukuno adag.