Askari sabab yaab leh u dilay taliye koox oo xukun lagu riday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo lagu helay dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cabdi oo ahaa Taliye koox.

Xuseen Xasan Maxamuud Macda ayaa ka tirsanaa Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS. Waxaana dilka uu geystay yimid kadib markii uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay.

Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Xukunkan ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.