Xukuumada Muuse Biixi oo shaacisay inay dacwad ka gudbisay mucaaridka

Hargeysa (Caasimad Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta shaacisay inay dacwad ka gudbisay Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland.

Xukuumada Biixi ayaa waxay dacwadaasi ka gudbisay Mas’uuliyiin ka tirsan labada xisbi ee mucaaridka ah, Waddani iyo Ucid, kuwaasi oo shalay booqday dhul la sheegay in si qasab ah looga qaaday dad danyar ah oo la siiyay Ciidamada Asluubta Somaliland

Dacwadan ayaa si wada jira waxa u gudbiyay Wasiirka howlaha guud ee Somaliland, Maayirka Hargeysa iyo Taliyaha Ciidamada Asluubta, iyagoona si cad u sheegay in Maxkamad lagu soo taagi doono Mas’uuliyiintaasi hadalo aan run aheyn oo ay ka jeediyeen dhulkaasi ay booqdeen.

Mas’uuliyiintaasi xisbiyada mucaaridka ah ee shalay booqday dhulkaasi ayaa waxay soo bandhigeen Dukumatiyo ay ku sheegeen in dad danyar ah leeyihiin dhulkaasi, kuwaasi oo Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay hoos u eegto shacabkaasi maatida ah, isla markaana ay u samaayso dhul badal ah haddii laga qaaday dhulkoodii.

Wasiirka Hawlaha guud, Taliyaha Ciidammada Asluubta iyo Maayarka Hargeysa oo si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegen in Mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ee booqday dhulkaasi ay soo bandhigeen cadeymo been abuur ah iyo hadalo aanay waxba ka jirin.

Waxay sidoo kale sheegen in Mas’uuliyiintaasi booqday dhulka la isku haysto in Maxkamad lagu soo taagi doono hadaladoodii, kuwaasi oo ay ku sheegen kuwa been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Ma aha markii u horeysay ee Xukuumada Muuse Biixi ay dacwad ka gudbiso Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid, kuwaasi oo eedeymo kala duwan u jeediya xukuumadooda.