Xukuumada Somaliland oo ciidan dheeriya dul dhigtay dadweynaha gobolka Awdal

Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay ciidamo hubeysan oo tiro badan dul geysay dadweynaha ku nool deegaanada hoos yimaada degmada Lughaya.

Ciidankaasi oo uu hogaaminayo Taliyaha ciidanka qaybta ee gobolka Awdal ayaa waxay gaareen deeganadaasi oo ay kamid yihiin; Gargaara, Osoli, Biyo kulul iyo Wadajir.

Caasimada Online oo dadweynaha ku nool deegaankaasi qaarkood la xiriirtay ayaa waxay sheegen inay soo wajahday cabsi balaadhan oo ku aadan ciidankaasi, maadama oo aysan ilaa hadda garaneyn ujeedada rasmiga ah ee loo soo dul dhigay ciidankaasi.

Dadweynaha deegaanka ayaa sidoo kale waxay inoo sheegen in labadii Habeen ee u dambeysay aysan si fiican u seexan, isla markaana ay baqdin badan ka qabeen ciidankaasi ay xukuumadu dul dhigtay.

Warar kale oo ay Caasimada Online helayso, ayaa sidoo kale waxay sheegayan in amar ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland lagu geeyay ciidamadaasi deeganadaa, kuwaasi oo ujeedkoodana lagu sheegay inuu yahay sidii ay u sugi lahaayeen amniga Beero tiro badan oo ku yaala deeganadaasi.

Beerahaasi ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ku muran-sanaa labo Beelood, kuwaasi oo dhowaana ay shaqaaqo ku dhex-martay Beer ku taala deegaanka Wadajir, halkaasi oo uu ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawacba.

Xukuumada Somaliland ayaa u muuqata mid gabi ahaanba ku fashilantay xal ka gaarista xiisadaasi ka taagan deeeganadaasi, kadib markii dhowaan la isku fahmi waayay wada-hadal ay deeganadaasi ka fureen Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com