Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta maamulka ayaa ku kala qeybsamay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ka maqan tahay, sababo a xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaas, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka horyimid shirka furmay, wuxuuna weerar culus ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh.
Juxa ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in shirka furmay uu yahay dhammaadka Golaha NCC ee Wadatashiga Qaran, sida uu hadalka u dhigay.
“Xasan Sheekh Maxamuud weli wuxuu ku jiraa is-diidsiin…Tani waa dhammaadkii golaha NCC ee Wadatashiga Qaran” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland.
Intaas kadib waxaa isna qoraal ka duwan midkan soo saaray guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Abwaan, kaas oo taageero wayn u muujiyay shirka Golaha Wadatashiga ayaa soo dhaweeyay ka qayb-galka SSC-Khaatumo.
“Madasha Wadatashiga Qaranka iyo maalin kale oo midab kale leh, mar kale iyo hambalyo SSC-KHAATUMO” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland.
Shirka maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka iyo qorshaha doorashooyinka dalka ee 2026.
Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo haatan soo xoogeystay, kadib markii ay kooxda culeys soo saartay Shabeellooyinka.
Kulanka oo maanta oo ahaa mid hordhac ah ayaa madaxdu isaga xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo haatan wixii ka dambeeyo guda geli doono ajendayaasha muhiimka shirkooda, oo ku soo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad culus.
Madaxda ayaa sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed ay soo saaraan kadib shirkooda, kaas oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee taagan.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka wadatashiga ee maanta furmayo oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.