28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

DFS Somalia oo Heshiis la saxiixatay Bankiga Islaamka (Faah-faahin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jiddah (Caasimada online) Xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Jidda ee dalka Sacuudi Carabiya waxay heshiis kula saxiixatay Banki-ga Islaamka kadib kulan ay wafa qaateen Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Sidoo kale  Dr. Axmed Maxamed Cali.

Waxaana Heshiiskaas dowlada Soomaaliya u Sixiixay Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, halka Bankiga Islaamkana uu u sixiixay Gudoomiyaha Bankigaas Dr. Axmed Maxamed Cali..

Warsaxaafadeed Heshiiskaas ku aadan ayaa waxaa soo saaray Ridwaan Xaaji Cabdi wali Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu u qornaa sidan

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo ku sugan magaaladda Jidah ee Boqortooyadda Sucuudiga ayaa maanta waxaa uu heshiisyo la gaaray Bankiga Islaamka oo fadhigiisu yahay magaaladda Jidah ee boqortooyadda Dalka Sucuudiga.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Bankiga Islaamka waxaa Soomaaliya u matalayay Wasiiru Dawlaha Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr. Maxamed Nuur Gacal, halka Bankiga Islaamkana uu u saxiixay Dr. Axmed Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Bankiga Islaamka.

Heshiiska is-afgaradka guud ee labadda dhinac ay kala saxiixdeen ayaa socon doonaa  ilaa 2020, kaas oo wax looga qaban doono dib usoo noolaynta hay’adaha Dawladda iyo tababaro oo loo samayn doono shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Soomaaliya. Sidoo kale heshiiskani waxaa qabyb ka ah in Bankiga islaamku uu ka shaqeeyo ururinta lacagaha kaalmadda ee Dawladaha Islaamku ay ugu tala galeen Soomaaliya, fududaynta heshiisyadda iyo adeegyadda daymaha.

Dhanka kale waxaa Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Islaamka ay isla garteen  $ 32 Miliyan oo Doolar oo lagu fulin doono mashriic dag dagah oo ay kamid yihiin Adeegyadda Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha  iyo Goboladda ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen.

“Waxaan uga mahad-naqaynaa Bankiga Islaamka mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya uu ka fulinayo  iyo iskaashiga joogtada noqon doona ee maanta aan isku af-garannay kadib muddo dheer oo Bankigu uu xayiray kaalmooyinkii Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii ay kusoo kaban lahayd.” Ayuu yiri Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Gudoomiyaha Bankiga Islaamka  Dr. Axmed Maxamed Cali oo kulan gaar ah kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Qasriga Martida ee Boqortooyadda ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Bankiga islaamku uu yahay mid soo jireen ah , dib loo fasaxyo kaalmooyinka maadaama Soomaaliya ayu kusoo noqotay xasilooni 22 sano kadib , waxaana uu balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qaybgalka dhismaha dalka iyo horumarinta mashaariicda kale ee horumarineed.

Caasimada online

Xafiiska Jiddah

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News