Daawo Video: Qudbadii M/weynaha ee Shirweynihii Qaran ee maanta furmay.

Caasimada  Online:   Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay Shirweynaha Qaranka ee Siyaasadda iyo Tiigsiga 2016 oo ka bilowday Muqdisho, oo muddo 5 cisho ah socon doono.

Madaxweynaha waxaa ku wehliyey furitaanka shirkan Sii Hayaha Raiisul Wasaaraha, ahna Raiisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, safiirada dalalka safaaradaha u joogaan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey madasha shirka ayaa u mahadceliyey ka soo qeybgalayaasha shirkan muhiimka ah isla markaana ku dhiiri geliyey inay muddada 5ta maalmood ah ay juhdi fara badan geliyaan sidii ay uga soo talo bixin lahaayeen habka ugu habboon ee loo gaari karo doorashooyin xor ah oo ka dhaca dalka sanadka 2016ka.

HALKAAN KA DAAWO: